Daawo Sawiradda: Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho

Bulsha:- Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho Munaasabadda 1-da Luulyo oo ah markii Gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta Aqalka dowladda Hoose ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dadweyne fara badan.

Intii ay socotay Munaasabadda ayaa waxaa kooxda Hobolada Waabari ay ku soo bandhigeen suugaan wadaniyadeed oo ka hadleysay qiimaha xoriyada iyo halgankii la soo maray.

Abaarihii 12-ka saq dhexe ayaa waxaa la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada xooga dalka.
























_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment