Bulsha:- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cali Gacal Casir oo Wareeysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay Warar sheegaya in wax kabadal lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Maamulka Galmudug loo sameeyay.
Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa Tilmaamay in aysan jirin wax Isbadal ah oo lagu sameeyay Dastuurka Maamul Goboleedka Galmudug,balse laga hadlay Jahooyinka Maamulka Galmudug,
“Waxaan ka hadalnay Jahooyinka Bari,Waqooyi,Koofur iyo galbeed,waxaana soo saarnay in Jahada Waqooyi ee Galmudug ay tahay Waqooyiga Muudg,midka Galbeed ay tahay Itoobiya mida Koofureedna ay tahay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee aysan jirin wax kale oo laga hadlay
“Maamulka Galmudug waxaa uu Maamulaa Gobolada Mudug iyo galgaduud,Xaduudiisa waa la yaqaanaa oo Dastuurka Qaranka ayey ku taalaa xaduuda Gobolada Mudug iyo Galgaduud,Xaduuda Puntland waxaa lawada garanayaa oo Dastuurka Soomaaliya ayey ku dhigan tahay,anaga ka galmudug ahaan Puntland waan Aqoonsan nahay oo waa Maamul naga horeeyey,hadii aanan Aqoonsana nama Aqoonsanayaan”ayuu sii raaciyay Guddoomiye Cali Gacal.
Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa imaanaya xilli ay soo baxeen wararar sheegaya in dib u eegis lagu sameeyay dastuurka Maamulka Galmudug oo ka Careeysiiyay Maamulka Puntland oo ay daris yihiin,iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu soo dhaweeyay Dib u eegista Dastuurka Maamulka Galmudug lagu sameeyay si Xasilooni loo gaaro
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment