Xog: Khilaaf meel xun maraya oo ka dhex taagan Cabdiweli Gaas iyo Camey (Maxaa la isku hayaa)

Bulsha:- Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey.

Is-faham-waaga labada mas’uul ayaa soo bilowdey todobaadkii hore, markaasoo ay isku khilaafeen arrimo la xiriira isku-shaandheynta la filayo in lagu sameeyo golaha wasiirrada Puntland. Halkan ka akhriso warbixin Caasimada Online ka qortey.

Gaas iyo Camey ayaa mid walba wuxuu dabada ka riixayaa xubno uu doonayo inay kasoo dhex muuqdaan golaha cusub ee wasiirrada.

Dadka magacaabistooda uu muranka xooggani ka dhashay waxaa kamid ah Axmed Cabdi Xaabsade oo Cabdiweli Gaas qorsheynayo inuu xil u dhiibo, Madaxweyne ku-xigeenkuna aad uga soo horjeestey. Wasiirkii Cadaaladda ee shalay is casiley ayaa isna kamid ahaa xubnaha xil-ka-qaadistooda lagu murmay.


Sidoo kale, waxaa khilaaf ka dhashay Wasiir Ku-xigeenka Amniga Cabdicasiis Maxamed Aadan oo ay qaraabo dhow yihiin Madaxweyne Ku-xigeenka.

Waxaa xusid mudan, in Wasiir Ku-xigeenka Amniga oo horay uga tirsanaa Somaliland lasoo magacaabay isagoo tababar ciidan oo Somalialnd u dirsatey ugu maqan dalka Ethiopia.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku sheegay inuusan aqbali doonin xubnaha Madaxweyne Gaas soo magacaabo; haddii aan khilaafka jira xal laga gaarin.


Yaa lagu beddelayaa Wasiirkii Cadaaladda?

Warar hordhac ah oo Caasimada Online heshay ayaa tilmaamaya in xilkii uu shalay iska casiley Wasiirkii Cadaaladda Ismaaciil Maxamed Warsame loo soo magacaabi doono gabar looga yeeray magaalada Muqdisho taasoo ay isku hayb yihiin Wasiirkii Cadaaladda ee is casiley.

Gabadhaas oo aysan noo suuragelin inaan magaceeda helno waxay horay uga soo shaqeysey shirkaddii Somali Airlines, waxayna saaxiibo dhow yihiin Marwada Madaxweynaha Puntland Hodon Siciid Hoggaama-la-roor.

Wasiirka Amniga yaa loo soo wadaa?

Warar aan sugneyn ayaa muujinaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas qorsheynayo inuu xilka wasiirka amniga usoo magacaabo mid kamid ah saraakiisha sar sare ee hoggaamiya ciidamada Puntland.

Xagee ku dambeeyey murankii Wasaaradda Maaliyadda?

Wasaaradda Maaliyadda oo maalmihii u dambeeyey wareer ka taagnaa cidda loosoo magacaabi doono, islamarkaana xubno badani loollan u galeen sidii ay xilkaas u qaban lahaayeen, ayaa waxaa nagu maqaalo ah in loo soo magacaabi doono Muuse Ducaale oo ka tirsan madaxda xafiiska Hay’adda UNDP ee Puntland kana soo jeeda gobolka Karkaar.

Madaxweynuhu wuxuu xilkaas usoo bandhigay balse ka cudur daartey labo nin oo kale oo iyaguna kasoo jeeda isla gobolka Karkaar, kuwaasoo midkood yahay Cali Hiirad oo ka tisan madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo nin kale oo ka shaqeeya Bankiga Salaam.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment