Bulsha:- Ciidamo katirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay saakay aroortii hore weerar ku qaadeen saldhig uu boolisku ku lee yahay deegaanka Ba’ure, oo ku dhow Degmeda LAMU.
Weerarkaasi oo hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, oo labada dhinac ka soo kala gaaray.
Afhayeenka u hadla Ciidanka Militariga ee dalka Kenya, Korneyl David Obonyo oo shir jaraa’id ku faah faahiyay weerarka, ayaa sheegay in lagu dilay ugu yaraan 11 ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab oo ay ku jiraan laba nin oo asalkoodu uu caddaan yahay.
Afhayeenka, ayaa khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray Ciidamada Kenya ku sheegay laba askari oo looga dilay, mana sheegin waxyeelo intaasi ka badan oo weerarka ka soo gaartay.
HALKAN KA DAAWO
Korneyl David Obonyo, Korneyl David Obonyo, ayaa Warbaahinta u sheegay dagaalkaasi inay ku qabsadeen qoryo isugu jira AK47, RBG iyo sideed xabo oo bambada gacanta laga tuuro ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment