Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shacabka Djibouti Ugu Hambalyeeyay Xuska 38-Guurada Ka Soo Wareegtey Xornimadooda

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 38-aad ee ka soo wareegtey xornimada dalka Djibouti u direy Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhammaan shacabka reer Djibouti meel kasta oo ay joogaan.

‘’Waxaan walaalaheena reer Djibouti la qeybsaneynaa xuskan qiimaha leh iyo farxadda sannadguurada 38-aad ee xornimada. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan ummadda Soomaaliyeed waxaan idin soo gudbinayaa hambalyada munaasabaddan, waxaana shacabka reer Djibouti u rajeynayaa horumar, midnimo iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Djibouti ay ka soo dhalaashey kaalinteeda walaaltinimo iyo derisnimo si ay u caawiso Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in shacabka Soomaaliyeed aaney taasi marnaba ilaabi doonin.

‘’Shacabka iyo dowladda Djibouti waxay inoo qabteen wax weyn, dadaal dheerna waxay u galeen sidii aan uga bixi lahayn colaadihii iyo xasaradihii waddankeena ka aloosnaa, welina dadaalkaasi way wadaan. Reer Djibouti si hagar la’aan ah ayay walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliya uga warqabeen, uguna soo gurmadeen, abaal aan la iloobi karin ayaan uga haynaa dadaalkaasi iyo geesinimada ay inoo muujiyeen’’.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u rajeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti in xuskan kiisa xiga ay ku gaaraan caafimaad iyo barwaaqo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment