Daawo:- Qaabkii loo Ansixiyay Mooshinkii lagu quusiyay Axmed Madoobe…

Bulsha:- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta cod u qaaday mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyagoo sharci darro ka dhigay dhismaha Baarlamaanka Jubba oo horay cabasho badan uga timid.


kulanka Baarlamaanka oo ku furmay jawi degan ayaa markii la guda galay ajandaha, isla markaana Guddoonka amray in la tiriyo tirada Xildhibaanada fadhida, si cod loogu qaado mooshinka ayaa buuq ka dhashay, waxaana markii hore tirada soo xaadirtay ay ahaayeen 150.

Hase ahaatee waxaa markii dambe xarunta golaha shacabka ka baxay Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka, waxaana ay taas dhalisay buuq, waxaana markii dambe la shaaciyay inay joogaan 142 Xildhibaan, kuwaasoo markii dambe cod gacan taag ah u qaaday mooshinka.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment