Axmed Madoobe oo isaga laga sugayo Xamar u dhoofay Addis-Ababa si uu usoo weydiisto in…

Bulsha:- Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa socdaal kale ugu anbabaxay dalalka Kenya iyo Itoobiya isagoo dhoofay xarunta maamulkiisa ee magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay inuu socdaalkiisa ugu weyn ku wajahan yahay dalka Itooboya, halkaasoo uu kula kulmi doono madax Itoobiyaan ah.

Safarka Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sii mari doona magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Wax faahfaahin lagama bixin socdaalka cusub ee Axmed Madoobe, laakiin waxaa la ogyahay inuu si joogto ugu dhaxeeyo magaalooyinka Addis iyo Nairobi oo uu ku qaato in ka badan waqtiga uu Kismaayo ku qaato.

Waxaa la filayaa inuu madaxda dalka Itoobiya kala tashan doono xaalada ka dhex taagan maamuliisa iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo socdaalkiisa uu yimid xilli laga sugayay magaalada Muqdisho kadib markii uu martiqaad u fidiyay Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid oo dhowaan booqday Kismaayo.


Dalka Itoobiya ayaa ah dalka ugu saameynta badan arrimaha Soomaaliya, wuxuuna si isku mida awood ugu leeyahay madaxda kala duwan ee maamulada iyo dowladda federaalka, waana dalka ay talada ka qaataan hogaamiyeyaasha Soomaalida. Hogaamiyeyaasha maamulada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay isugu tagaan Adis ababa si loo xaliyo khilaafka dhex yaala.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment