XIliga ay Uurka leedahay waa waqtiga ugu macaan -Falanqeyn caafimaad

Bulsha:- Si kasta ha ahaatee, dadku mararka qaarkood way ka weji gabxaan iney ka hadlaan galmada iyo uurka waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka qabsato iney su’aalo ku saabsan galmada ula yimaadaan dhakhtarkooda ama kalkaalisada. Sidoo kale, haweenka iyo ragguba inta badan cabsidooda iyo dareemmadooda iyagaa isku qarsada.

Haddii kani uu yahay ilmahaagii ugu horreeyey, waxaa laga yaabaa inaadan ogaannin in uurku uu yahay waqti dareenkaaga badalmo uu adiga iyo aabbaha ilmaha isu kiin beddelo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, niyad kacsanaan, farxad, diiqo, rajo, cabsi, hooyonnimo iyo qurux, lur iyo soo jiidasho la’aan. Aabbuhu, dhinaca kale, waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu ku faano inuu ilmo aabbo u noqon doono ama uu ka wel welo mas’uuliyado cusub. Waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu adiga iyo ilmaha kobcaya difaac idiin noqdo ama uu ka masayro culeys saariddaada uurka cusub.

Isbeddelladan dabciga ah waxaa laga yaabaa iney saameeyaan sida uu midkiinba midka kale ka dareemayo iyo rabitaanka galmada. Shayga ugu muhiimsan maaha waxa aad dareemeysiin iyo sida aad ugu maleyneysaan inuu xun yahay, ee waa isla wadaagidda dareemmadaas. Sidaa, ayaad ku sameyn kartaan isbeddello si aad xidhiidhkiina galmo uga dhigtaan mid labadiinnaba idiin wanaagsan.

Halkan hoose waxan idinku soo lifaaqay suaalo ay had iyo jeer lamaanuhu waydiiyaan dhakhaatiirtooda ama dadka ay ku tuhmayaan in ay dheeryihiin aqoonta Galmada xiliga uurka.

Su’aalaha dhiba haweenka uurka leh

Miyey rabitaannadayda galmadu noqonayaan kuwo yar waqtiga uurka?
Ma jiraan labo haween ah oo isku dareen ah waqtiga uurka. Haweenka badankoodu, uureysigu ma beddelo xiiseyntooda galmada.
Haweenka qaarkoodna, xakamaynta dhalmadu waxay u ahayd carqalad, isla markaana waxaa laga yaabaa inuu uureysigu u yahay waqti xorriyad. Waqtiyo dhowr ah, haweenka qaarkood ayaa laga yaabaa iney dareemaan iney “luminayaan qaabkooda iyo sida ay u eg yihiin” waqtiga uurka. Qaar ayaa laga yaabaa iney ka fogaadaan galmada, iyagoo dareemaya rabitaankiisa oo aad u yar. Kuwa kale ayaa laga yaabaa iney doonayaan galmada iney lammaanahooda uga helaan dib u xaqiijinta inuu weli jecel yahay waxayna u arkaan mid soo jiidasho leh.

Haddii aadan xiiso u haynin galmada, kala hadal lammaanahaaga. Waxaa laga yaabaa iney lammaanahaaga ku adag tahay inuu fahmo, balse isku day adigoo ku daraya faraxsanaan iyo niyad saman in aad saygaaga si fiican wax u fahamsiisid.

Miyey galmadu wax u dhimi kartaa ilmaha?
Maya, Suuragal maaha in ilmaha ku jira ilmo galeenka wax loogu dhimo galmo sameynta. Biyaha uu ilmuhu ku dhex sabbeynayo, xuubka biyaha celinaya(madheerta), caloosha, derbiga uur ku jirta, iyo sinaha lafaha leh ayaa ka shaqeeya iney ilmaha ka dhowraan in la dhaawaco.

Haddii galmo sameyntu ay xanuun leedahay, kala hadal dhakhtarkaaga.
Galmada waqtiga uurku maahan badanaa mid xanuun leh.

Ma waxyeello ayey leedahay in la isku biyo baxo (shahwad la isku daayo) waqtiga uurka?

Shahwo waxyeello uma laha ilmaha lagamana yaabo in ay gaadho ilmaha.

Intee ugu badan ayey galmadu ammaan tahay waqtiga uurka?
Inta ugu badan ee aad galmo sameyso adiga ama ilmahaaga idin saameyn meyso, ilaa inaad qabto dhibaatooyin halistoodu sarreyso mooyaane laguuna sheegay inaadan galmo sameynin. Lammaaneyaashu waxay isu tagaan xaddiyo kala duwan waxayna xataa ku kala duwan yihiin bil ilaa bisha kale.

Haweenka qaarkood ma xiiseeyaan galmo muddada saddexda bilood ee ugu horreysa uurka. Tan waxaa laga yaabaa iney ugu wacan tahay daalka iyo isbeddellada ku yimid dheecaanada jidhka. Dareemmadanu waxay badanaa isbeddelaan saddexda bilood ee ugu horeeya markaasoo rabitaanka galmada iyo tamar korortay laga yaabo iney yimaadaan.

Galmo ma sameyn karaa waqti kasta oo uurka ka mid ah?
Galmada badanaa waa la oggol yahay inta uu uurku jiro oo dhan ilaa iyo dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya. Dhakhaatiirta qaarkood waxay dareensan yihiin in waqtiga dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya, galmadu laga yaabo iney keento dillaac waqtigiisa ka soo hormara oo ku yimaada xuubka.
Dhakhaatiir badan ayaa dareen xooggan ka qaba jawaabta su’aashan. Waxaa kugu wanaagsan inaad raacdid talada dhakhtarkaaga gaarka ah.
Galmada waa in la joojiyaa waana inaad dhakhtarkaaga la hadashaa haddii:
“ Biyahaagu ay soo burqadaan ama galka biyuhu uu dillaaco
“ Uu dhiig hoostaada ka imaanayo, ay ku cun-cuneyso ama dheecaan ka imaanayo
“ Aad xanuun hoosta ama uur ku jirta ka dareento
“ Uu ilmo galeenku isku soo giigsamayo, isu soo ururayo ama fool waqtigeedii ka horreysa ku qabato

Haddii aan lahaa taariikh dhicis dhalid, weli galmo ma sii sameyn karaa?
Haddii aad lahayd taariikh dhicis, waa in anad galmo sameynin saddexda bilood ee ugu horreysa ee uurkaaga. dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona inanad raacin baabuur kac-kacaya ama in anad ka qayb qaadan hawlo jidh ahaaneed oo waaweyn ama jidh dhis. Xannibaadahan waxay mandheerta (dhalmada ka dib) ka caawinayaan iney si ku filan ugu kobocdo si markaas uureysi guul leh uu dhaco.

Cadaadiska waqtiga galmadu wuu i dhibaa laakiin xanuun iguma hayo.
Haddii miisaanka lammaanahaagu uu ku dhibayo, in booska la beddelo ayaa caawin karta isku day in aad heshid boos ku raaxo galiya si anad u dhibsan lamanahaaga.

Aad ayey u adag tahay inaan lammaanahayga kala hadlo sida aan dareensanahay.

Badanaa dareenku waa iska ku meel gaadh, waana inaan loo arag diidmo. Lammaanahaagu waxaa laga yaabaa inuu qabo walaacyo kale oo waxoogaa ah iyo dareemmo isku dhafan oo ku saabsan uurka, kuwaasoo laga yaabo iney ka dhigaan inuu dhaqmo si aan kala jelcaan lahayn inyarna kuu nuglaado. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad ku lug yeelato nolosha gudahaaga ku jirta taasoo laga yaabo inuu dareemo iin anad isaga dan u lahayn. Iskala hadla dareemmadaan una hadal sidaad ula hadli jirtay intii anad uurka qaadin.

Su’aalaha dhibaatada u keena aabbayaasha ilmaha filaya

Waxaan u baahanahay inaan galmo sameeyo, laakiin ilaa iyo markii ay uurka qaadday lammaanahaygu ma daneyneyso galmo.Tani waxay dhexdayada ka abuuraysaa xurguf. Maxaan sameyn karaa?
Waxoogaa qaab isu samir ah ayaa ah xalka ugu wanaagsan. Ka wada hadla dhibaatooyinka iyo dareemmada. Galmo sameynta inyar ama helidda wax la iskaga jabiyo oo u baahan ka qayb qaadasho yar oo dhinaceeda ah ayaa laga yaabaa iney xal noqoto.

Mararka qaarkood haweenka way ku adag tahay iney dareemaan galmo markaasoo ayna dareensanayn inuu ku habboon yahay. U sheeg iney weli tahay mid soojiidasho leh lana jecel yahay iyadoo caloosheedu weliba soo buuran tahay. Tan waxaa laga yaabaa iney kordhiso xiiseynteeda galmada.

Markaan dareemo ilmaha oo dhaqaaqaya annagoo galmo sameyneyna, waxay dhammeysaa xiisaha aan u hayo galmada.

Waxaa laga yaabaa inaad ka wel welsan tahay in laga yaabo in ilmaha aad waxyeeshaan. Ilmuhu si wanaagsan ayuu u dhowran yahay isla markaana haraatida iyo is rogiddu shaqo kuma laha hawshaada galmada. Haraatida ilmuhu waxaa laga yaabaa iney ku xusuusiso doorka lammaanahaaga ee sidii hooyo oo kale. Waxaa laga yaabaa inaad u dareento sidii qof saddexaad oo la socda galmadiinna. Waxaa laga yaabaa iney idin caawiso inaad isku daydaan boos kale si markaas aydaan u dareemin dhaqaaqa ilmaha.

ilmuhu waxa uu ku jira duni uu alihii abuuray ku ilaashaday oo marna wax xidhiidha la lahayn dunida aynu markaasi ku noolnahay.

FIIRO Gaara:

Hooyooyinka iyo aabayaasha somaliyeed waxan kula talin laha in ay ku dadaalaan in ay waxbadan ka ogaadaan su alaha la xidhiidha wakhtiga galmada, ay arintani ula kulmaan iyaga oo aqoon dheerada u leh kuna faraxsan marka ay samaynayaaan.

wabilahi towfiiq.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment