Waa maxay Sababta Keenta Qoyaanka Farjiga Dumarka?

Bulsha:- Qoyaanka farjiga haweenka ay leedahay ayaa ah dhibaato aad u weyn oo dumar badani ay ka cawdeen ama ka sheegteen taasi oo ku beerta wel wel oo ku aadan badnaashaha qoyaankaas , waxaana arintaan ka sheegta 65% dumarka.

-Qoyaan dheecaaneedkaas ayaa midab ahaan cad , waa uu jiid-jiidmayaa waxa uuna dhab aana u shabahaa dheecaanka ukunta oo kale.

-Inta badan xubinta taranka haweenka waa ay qoyan tahay maadama uu leeyahay maadada loo yaqaan Lactic acid oo ah maado caaneed taasi oo ka soo shubanta halboow layaasha dhiigga taasi oo quudisa darbiga xubinta haweenka.

Sidoo kale haweenka dhiiga uu ku yar yahay xiliga malabyarowga lagu jugeynayo dheecaano badan ayay soo deysaa.

-Dheecanaada iska dabiicga ah midib ahaan waa cad yihiin waana jileec , mana laha wax shiir ah sidoo kale ma keento cun-cun ah.


Waxyaabaha keena dheecanada badan ee xubinta taranka? Adeegsiga kareemooyinka xubinta taranka loogu tala galay , saabuunada oo xasaasiyad ku reebi kara xubinta haweenka , xerashada dhar hoosaadka cariiriga ah (nikis kugu dhagan) iyo xanuunka sokorowga. Sidoo kale infekshan ku dhaca dhuunta minka , cudarada taranka ku dhaca iyana waa keenaan.

-Darbiga xubinta taranka waxad ku karemeysa burcadka caanaha , marka xaajada soo gudato(Suuliga) si wacan u nadiifi.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment