Bulsha:- Rag iyo dumar badan ayaa waxa ay is waydiiyaan waqtiga ugu haboon ee ay tahay inuu qoku guursado?
Ma 20 jir iyo wixii ka yar baa, ma 30 sanno kadib baa mise waaba 40, ma saxbaa in dhalmada 40 jirku ay halis ku keeni karto nolosha hooyada iyo ilmaha? waa suaalo badan oo aynu is waydiino, qurbo.net ayaa kaga jawaabi doonta sidaan:
Sida lagu ogaaday diraasado badan oo la sameeyay ayaa guurka dagdaga ah ee gabadhu uu ka fiican yahay guurka habsanka ah, iyada oo hadii uu dib uga dhacdo dhalmadu 35 sanno ay halis ku keeni karto gabadha, isla markaana ay kor u kacdo halista in xanuunno haleelaan ilama dhalanaya, iyada oo guurka xilliga hore uu kahor tag iyo difaac dabiici ah u yahay gabadha, kana hor tago xanuunno badan oo ay kamid yihiin kansarka ku dhaca naasaha.
Xilliga ugu wanaagsan ee guurka gabdhaha:
Da’da gabadha iyo awooda dhalmada: Waxa ay ku xidhan tahay awooda dhalmada ee gabadhu wareegtada caadada, taasi oo uu ka dhex dhaco samaynta beedka, iyada oo laga soo bilaabayo bixitaanka koowaad ee ay gabadhu aragto caadada, isla markaana ku dhamaata joogsashada dhiiga caadada ee gabadha, inta u dhaxaysana marba marka ka dambaysa uga sii dhawaanaysa inay dhalmo dayso, iyada oo labada sanno amaba sannadka ugu horeeya ee caadadu u bilaabanto gabadha aanay wax beedi la socon.

Da’da ay ragu ugu qooqa badan yihiin: Sida ay gabadhuba u leedahay waqti ay aad u qooqan tahay, ayaa raguna ay arinkaas kala mid yihiin dumarka, iyada oo da’da u dhaxaysa 16 jir ilaa iyo 25 jir ay tahay da’da ay heerka ugu sareeya ee qooqanaanta gaadhaan, isla markaasna sida dumarka ay markay da’doodu soo gaadho 30 hoos u socoto awooda ay u leeyihiin inay ilmo dhalaan, kadibna ay hoos usii socot ilaayo ay ku sigtaan in lagaba waayo markay gaadhaan 60 jir ama 70 jirba,
Taasna macnaheedu maaha in da’dan markuug aadho ninku uu si kama dambays ah u waayayo awooda uu ilme ku dhali lahaa, balse marmarka qaarkood ay dhacdo inay ku dhalaan 70 jir iyo wixii ka waynba.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment