Dhar Qofka Xirta Ku Khasbaya Inuu Si Ku Haboon Caafimaadkiisa U Fadhiisto La Yaabka Adduunka

Bulsha:- Mid ka mid ah dadka hindisa nashqadaha dharka iyo noocyada kala duwan ee diraysyada, oo u dhashay alka Holland ayaa suuq keenay dhar cusub oo kaliya aan model ahaan ku koobnayn la jaan qaadista, dharka socda, balse ah mid caafimaadka qofka xidhanaya la shaqaynaya.

Ninkan oo dawaarle dharka marba nooc cusub ku soo kordhiya ah, laguna magacaabo, Jeffrey Halegrz ayaa tolay dhar la jaan qaadaya qaabka ugu wanaagsan ee caafimaad ahaan qofku u fadhiisanayo, waxaanu sheegay in dharkan uu si gaar ah ugu ikhtiraacay dadka fadhiga badan.

Sida shabakada Oddity Central, ku warantay, ninkan ayaa markii uu arkay dhibaatada caafimaad ee ay ku sugan yihiin, dadka wakhtiga badan fadhiya, kaambuyuutaradana ku shaqeeya ee saacadaha badan hor fadhiya kaambuyuutarada uu dharkan u sameeyay.

Jeffrey ayaa dharkiisan cusub, ku tilmaamay, mid qofka ka ilaalinaya in uu qaab caafimaad daro ku keeni kara, inta uu u fadhiisto uu isku ilaawo, sida inuu wakhti badan u fadhiyo qaab, dhibaato soo gaadhsiinaya qoorta ama qalooc ku keeni kara laf dhabarta.


Dharkan cusub ee la sheegay in dadka fadhiga badan uu ka ilaalinayo qaabka kala maroora ee waxyeelayn kara jidhka, ayuu khabiirkani sida la sheegay ugu magac daray, (Posture), waxaanu sheegay in qaabka loo tolay uu la kaashaday, dhakhaatiirta caafimaad ee aqoonta u leh, fadhiyada dhibaatayn kara raga.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment