11 Faaido Oo Dhanka Caafimaadka Iyo Quruxda Ah Oo Laga Helo Dacarta (Aloe Vera)

Bulsha:- Waxa aan isku dayi doonaa in aanbal wax ka yara taataabto dawooyinka dabiiciga. Daawaynta xanuunada ama cudurada ayaa loo kal qaadaa laba qaybood oo kala ah mid kiimiko ka samaysan iyo mid lag sameeyo geedaha ama dhir dabiiciga ah.

Waxaa muddooyinka danbe soo badanaya isticmaalka la isticmaalo dawooyinka dabiiciga ee dhirta laga sameeyo.

Qormadaan gaaban waxa aynu maanta ku eegi doonaa haddii Ebbe idmo waxtarka ay leedahay ama faa´idada ay leedahay dacartu (Aloe vera) oo muddoonyinkii danbe aad ugu soo badanaya suuqyada lagu iibiyo dawooyinka dadbiiciga.

Bal aynu yara jaleecno ma milicsano taariikhda is dawaynta la isku daweeyo dawooyinka dabiiciga ama aan si kale u dhigee dhirta la isku daweeyo. Tan iyo wakhtigii/markii Ilaahay (swc) dhulkan dushiisa ku abuuray bilaadamka, ee ay ugu horreeyeen Xaawa iyo Aadam. ilaa imminka waxay ummadihii kala duwanaa ee intaasoo kun oo sannadood nolosha aduunka iskaga kala danbeeyey ay isticmaali jireen dawooyinka u gaara oo ay samaysan jireen, si ay iskaga daaweeyaan xanuunada ama cudurada soo food saara jidhkooda. Dadka soomaalida ayaa ah dadka iyagu inta badan isticmaala dawiiyinka dabiiciga, khaasatan dadka reer miyiga oo aad ugu xeeldheer isticmaalka dawooyinka dabiiciga.


Dacarta ama Aloe Vera waxaa laga sameeya waxyaabaha jirka iyo timaha lagu qurxiyo sida kareemada iyo shaambooyinka.


Magaca guud waa geedka dacarta, laakiin dacartu waxa ay u kala baxdaa noocyo badan.

Haddaba marka laga hadlayo waxtarka ay leedahay dacartu (Aloe vera) waxaa ka mid ah

1. waxay baabi’isaa finanka (acne) iyo nabraha

2. Waxa ay yaraysaa cuncunka/xanuunka maqaarka jirka

3. Waxa ay dawaysaa xanuunka dheefshiidka caloosha

4. waxa ay u dacartu u wanaagsan tahay oo loo isticmaali karaa gubashada, nabarada jirka, cuncunka, dhagaxaanta kelyaha.

5. Waxaa la yiraahdaa waxa ay u fiican tahay kansarka.

6. Waxa kale oo ay u wanaagsan tahay qaniinyada kaneecada

7. Waxay bixisaa timaha wayna qurxisaa

8. Waxay u wanaagsantahay xanuunada hawo-mareenka sida qabowga iyo hargabka waxaa ku badan vitamin C oo ka hortaga qufaca iyo hargabka

9. Waxay ka hortagtaa duuduubka wajiga

10. Maqaarka jirka ayay jilcisaa

11. Waxay timaha ka joojisaa daadashada








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment