Shirkada Acer Oo Soo Saaraysa Telefoon Ku Shaqaynaya Adeega Windows-ka

Bulsha:- Shirkada ku caanka ah soo saarista agabka ticnaloojiyada Ee Acer ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay dhawaanahan suuqyada caalamka keeni doonto taleefan cusub oo ay ugu magac dartay Liquid M220 waana midkii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo ay soo saarto shirkada acer waana mid ku shaqeenaya ama adeega windowiz 8.1.

Taleefankan ayaa waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah in shaashdiisu ay dhan tahay 4 mg iyo sidoo kale in taleefankaani cusub uu si ween ugu xirnaan doono adeegyada shirkada macrosoft oo kala ah OneDrive? ?Skype? iyo sidoo kale barnaamijyo kale oo cusub kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwa loo adeegsada maktabadaha.

Sidoo kale taleefankaani cusub ayaa waxyaabaha lagu xusi karo waxaa ka mid ah in ay ku borogaamsan yihiiy laba adeega sacadaha oo lagu magac daray Liquid Leap iyo Liquid Leap+ kuwaasi oo ku shaqeenaya adeega windowiz 8.1 islamarkaana loogu talagay in ay siwanaagsan ula socon karaan caafimaadka adeegsadaha adeegsanaya taleefanadan cusub oo ay dhawaan soo bandhigi doonto shirkada acer.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment