Shirgada Apple Oo Oo Bilaabaysa Iibinta Saacad Cusub Oo Laga Isticmaali Karo Viber Iyo Whatsapp

Bulsha:- shirgada appleShirkadda Apple ayaa soo saartay saacad sida mobile ka loo isticmaalaayo, waxaana lagu shubay saacadaasi programs ay ugu shaqaynayso sida mobile ka oo kale, gaar ahaana waxa laga isticmaali karaa adeegyada wada sheekaysiga ee Viber-ka iyo Whatsapp-ka.

Saacadan ayaan weli soo gelin suuqyadda caalamka, taas oo keentay in suuqa lagu sii daayo xayeysiiskeeda, gaar ahaana TV-yadda waaweyn,waxaana la rajaynayaa inuu qiimeheedu noqdo mid aad u sareeya,iyada oo lagu qiyaasay lacagta ay ku bilaabmi doonto $17 million oo lacagta Maraykanka ah.

Shirgada Apple ayaa jimcihii ku dhawaaqday in ay bilaabayso iibka saacadihii ugu horreeyey ee ay samaysay oo lagu magacaabo Apple Watch waxa aanu qorshaheedu yahay in ay 24ka Abriil 2015ka oo ku beegan toddbaadka soo socda ay si rasmi ah saacaddan u soo geliso suuqyada sagaal dal oo kala ah, Australia, Canada, China, France, Germany, Hong Kong, Japan iyo UK iyo Maraykanka.


Saacadan ayaa loo sameeyey website u gaara ,taas oo lagu xayeysiinaayo, waxaana la yidhaahdaa Web-kaasi Mixyourwatch.com,kaas oo laga heli karaayo sawirkeeda iyo hababka loo isticmaalaayo.

Saacadan ayaa ah mid fududayn doonta siday sheegeen in laga helo waxyaalaha bulshadu isticmaasho ,gaar ahaana Facebook-ga,Viber-ka iyo Whatsapp-ka intaba,kuwaas oo si sahlan loo isticmaali karaayo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment