Bulsha:- Hadii aad tahay gabar gadatay kabo badan, waxa aad ogaataa in aanad ahayn ta kaliya ee kabaha aad u jecel. Sida shabakada ka mid ah kuwa caanka ah ee aad waxa uga qora arimaha
haweenka ay sheegtay in baadhitaan lagu ogaaday in 92% habluhu xusuustaan kabihii ugu horeeayay ee ay ku gataan lacag ay leeyihiin. Laakiin 63% dumarku xusuustaan magacii
wiilkiii ugu horeeyay ee dhunkaday. Waxa kale oo maqaalka ku xusnaa in shirkad kabaha ka ganacsata ay baadhitaankan ku samaysay 1000 haween ah si ay u ogaato xusuusta iyo
xidhiidhka lamaanayaasha. Waxa kale oo aad u yaab badnayd markii ay haweenkaasi 96% aad uga xumaadeen kabo ay lahaayeen oo ay tuureen laakiin 14% ay ka shaleeyeen nin ay ka
tageen. Dadku waxa y u maleeyaan in ay gabdhuhu ku kaydsadaan kaartoonada kabaha waraaqaha jacaylka, laakiin inta badan kabuhu aad uga muhiimsan yihiin fariimaha ku qoran
waraaqaha. Haweeenku waxa ay ula dhaqmaan kabaha sidii saaxiib qaali ah, sidaa darteedna ay fududahay in ay uga xusuusba badan yihiin ragii maray. Waxa kale oo jirta in hore
baadhitaan loogu ogaaday in haweenku celcelis ahaan ay leeyihiin 19 beer (par)oo kabo ah, laakiin ay 4 peer oo kaliya si caadi ah u isticmaalan. “Xaragada kabaha ayaa iiga
muhiimsan ta dharka. Marka aan magaalada joogo oo wasakh kabaha iga gaarto waan ka tirtiraa, laakiin hadii dharku wasakh iga noqdo kama warwaro.”, sidaas waxa tidhi Amina Ahmed oo ka mid ah akhristayaasha Ladaneey.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment