XOG: Buuq ka dhashay kursi Rooble,Farmaajo & Murashaxiinta isku heystaan

Bulsha:- Buuq ayaa ka taagan kursiga Hop067 oo doorashadiisa ka dahceyso dhuuso mareeb kaas oo muran badan ka taagan yahay shakhsiga kusoo bixi lahaa.

Beesha waceysle ayaa ku kala jabtay murashaxa lasiin lahaa in kursigaasi kusoo baxo,waxaana Gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamed (Yaasiin Fareey) uu la kulmayaa cadaadis iyo mucaaradnimo tiro badan.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu ku dedaalayo sidii Yaasiin Fareey kursigaasi ugu fadhiisan lahaa xilli ay General C/raxmaan Tuur yare iyo murashaxiin kale taagan yihiin.

War kasoo baxay Murashaxiinta mucaaradka ayey ku diideen damaca fahad iyo Farmaajo ay ku doonayaan inay ku boobaan kursigaasi uu sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey cadoow cali gees.

Dad badan ayaa aad usugaya tartanka adag ee Rooble,Farmaajo iyo murashaxiinta mucaaradka ugelayaan cida heli laheyd doorashada kursigaasi la isku hayo.

Dhalinyaro kasoo jeeda beesha waceysle oo saacadihii lasoo dhaafay ku shirsanaa Muqdisho waxay sheegeen inaysan marnaba aqbali doonin boob lagu sameeyo kursiga beesha.


Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor ayaa door fiican ku leh sidii loo soo saari lahaa Gaashaanle sare Yaasiin Fareey si codkiisa ugu xisaabtamo Madaxweyne Farmaajo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment