Wararkii ugu dambeeyay qaraxyada ka dhacay maanta Kampala

Bulsha:- Wararkii ugu dambeeyay ee labo qarax oo ka dhacday bartamaha magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof oo ay labo boolis yihiin ay ku dhinteen labadii qarax ee mataanaha ee gilgilay caasimadda Uganda eeKampal, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Warbaahinta dowladda ee New Vision ayaa ku warrantay labo qof oo meyd ahaa lagu arkay goobtii uu qarax ka dhacay gaar ahaan meel u dhaw dhismaha baarlamaanka Uganda.

Labo sarkaal oo boolis ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar kale oo lala beegsaday saldhig boolis ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Urban Television.

Dhinaca kale, 27 qof oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu daweynayaa cisbitaalka weyn ee ku yaalla caasimadda Kampala.

Cabsi ayaa soo wajahday dadka ku nool magaalada Kampala kadib markii labo qarax oo is xig xiga ay ka dhaceen wadada baarlamaanka Kampala iyo saldhiga dhexe ee magaalada Kampala.

Waxaa la soo dhoobay hareeraha wadada isku xirta Kampala iyo Jinja ciidamo badan. Iyada oo si aad ah loo sugayo ammaanka, waxaana gaadiidka laga hor istaagay Aqalka Kitgum House.

Shacabka ayaa lagu amray inay ka baxaan Mabirizi Plaza, oo ku dhow Saldhigga Dhexe, halkaasoo mid ka mid ah qaraxyada uu ka dhacay. Waddada Burton iyo Waddada Johnson ayaa sidoo kale laga saaray isu socodka dadka.




Mid ka mid ah qarax ayaa ka dhacay bannaanka hore ee Saldhiga Dhexe, halka midka kalena uu ka dhacay Wadada Baarlamaanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment