TPLF Tigree oo shaacisay sabab ay u dooneyso qabsashada Addis Ababa oo aan aheyn xukun

Bulsha:-  Waxaa kasii dareysa xaaladda dalka Itoobiya oo halis ugu jirto burbur kadib markii uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya xooggaga Tigray oo kusoo dhawaanaya Addis Ababa iyo cidiamada Federaalka Itoobiya.

Cabsi weyn ayaa ka jirto Addis Ababa kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada TPLF oo usoo jirsaday wax kayar 300Km, waxayna dowladaha reer Galbeedka qaarkood ugu baaqeen muwaadiniintooda inay u diyaar garoobaan ka bixitaanka Addis Ababa.

Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

“Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka.


Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigrayga, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo.

Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, islamarkaana aysan ku joojin doonin dacaayad shisheeye.

Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda.

Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment