SAWIRO:- Diiwaangelinta Musharrixiinta Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Dhuusamareeb

Bulsha:- Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabeen diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas oo u tartamaya kuriga HOP#026 ayaa buuxiyay sharuudihii guddiga doorashada Galmudug isaga oo qaatay shahaadadda musharaxnimada ee golaha shacabka, waxaana uu dhawaan isaga tegay kursigii Aqalka Sare ee loo doortay.

Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas ayaa u mahad celiyay guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug oo uu sheegay inay si wanaagsan ugi adeegeen.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa la filayaa inay soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta 5-ta kursi ee Golaha Shacabka oo ay ku tartami doonaan kuwo ku fadhiyay Afartii sano ee la soo shaafay iyo kuwa Cusub.

Maamulka Galmudug ayaa kamid noqon doona maamulada ugu horreeya ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka kadib dadaal uu ku bixiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku tegay Magaalada Dhuusamareeb.


Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment