SAWIRO:- Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Khamri farabadan

Bulsha:-  Ciidanka Boolilka gobolka gabiley ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay Maandooriyaha Khamriga oo laga soo qabtay degmada Allay-Baday ee gobolkaasi Gabiley.

Howlgal ay Ciidanku ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Allay-Baday ayay kusoo qabteen dhowr Kartoon oo khamri ah iyo dad ka Ganacsanayay, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Gibiley ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay midka ay ku dagaalanayaan maandooriyaha khamriga & dadka ka Ganacsanaya, isla markaana dhawaan goob fagaaro ah ku bur burin doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka loo soo qabtay inay ka Ganacsanayeen maandooriyaha Khamroga inay ku wareejiyeen Maxkamadda Gobolka Gibileey si loo Maxkamadeeyo, isla markaana howlgallada la dagaalanka maandooriyaha ay sii wadi doonaan.

Soomaaliland ayaa waxaa ay kamid tahay maamulada sida weyn ula dagaamaya Maandooriyaha, waxaana dhowr jeer loo xukumay dad ka Ganacsanayay, halka goob fagaaro ah lagu burburoyay khamri farabadan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment