Rooble oo farriin u diray maamul goboleeyada, kadib doorashadii Mahdi Guuleed iyo Biixi IImaan

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dugsiga tababarka ee Janaraal Kaahiye.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo Biixi Iimaan Cige oo kusoo baxay labadii kursi ee la qabtay doorashadooda.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan-yahay in la bilaabo doorashada Golaha Shacabka, isaga oo xubnaha la doortay u rajeeyey inuu Alle la garab galo mas’uuliyadda

“Waxaan hambalyo u dirayaa 1. Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo 2. Xildhibaan Biixi IImaan Cige oo maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarreeya ee doorashooyinka.

Sidoo kale Roobe ayaa intaasi kadib, farriin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday inay guda-galaan doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.


Doorashada Golaha Shacabka ayaa marar badan dib uga dhacday in la qabto waqtigii loogu talagalay, hayeeshee maanta ayey si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment