NISA oo sheegtay cida isticmaasha Drones-ka lagu qabtay garoonka Muqdisho?

Bulsha:- Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey diyaaradaha Drones-ka ah ee dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Daahir oo wareysi siiyey Universal Tv ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha la qabtay aysan aheyn kuwa loo isticmaalo waraabinta beeraha, sida uu horey ugu dooday xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo mas’uul ka ah shirkadda keentay diyaaradahaas.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in diyaaradaha lasoo bandhigay uu culeyskooda yahay 38 kiilo garaam, isla-markaana aysan laheyn meel biyo iyo sun looga shubo.

“Malaha meel looga qaado ama looga raro biyo iyo sunta lagu buufiyo beeraha labadaba,” ayuu yiri Ismaacil Daahir oo ka jawaabayey hadalkii Xildhibaan Zakariye.

Waxa uu tilmaamay in sidoo kale diyaaradahan ay keenayaan saameyn amni iyo walaac xoogan, marka loo eego xilliga la keenay, maadaama dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah.

“Waxay keeneysaa saameyn amni iyo walaac aad u tiro badan, sababtoo ah Drone-kan xildhibaan hore Zakariye waxa uu sheegay inuu isaga leeyahay, laakiin wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan oo uu bixiyey oo aan aheyn waxaan ku buufinaayaa beero iyo waxaan ka kireynayaa QM, si Ayaxa loola dagaalo ,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee hay’ada NISA.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxay aheyd tafaasiil aan macno badan sameyneynin shakigana sii badisay. Xildhibaan Zakariye waxaa laga rabay inuu soo bandhigo macluumaadka uu ka haayo diyaaradahaas nooca ay yihiin iyo meesha laga soo iibiyey, si loo ogaado, loogana shaki baxo,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xigeenkii hore ee NISA in nooca diyaaradaha la qabtay ay yihiin kuwa ay sida aadka ah isticmaalaan kooxda ISIS iyo sidoo kale kooxda BKK ee ka dagaalanta Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Drones-kan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ma’aha nooca beeraha loo isticmaalo, Dronada noocaan ah waa kuwo ay aad u isticmaalaan kooxda ISIS iyo Kooxda BKK ee la dagaalanta dowladda Turkiga,” ayuu markale yiri Ismaaciil Daahir Cismaan.

Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo gaaraya illaa lix diyaarad ayaa waxaa haatan baaritaano dheeraad ah ku haya saraakiisha NISA oo la wareegay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment