Muhaajiriin ay kujiraan Soomaali oo ku dhintay Xeebaha libya

Bulsha:- Ku dhawaad 10 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Liibiya, kadib markii ay ku neef qabatimeen doontii ay saarnaayeen, waxaana tahriibeyaashan ka soo jeedaan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Markab uu leeyahay Ururka Dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF ayaa 99 kasoo saaray Doonta degtay, hayeeshee qeybta hoose ee doonta ayaa laga helay ila 10 meyd ah.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadkaan ay ku neef qabatimeen Hawada oo ay ka buuxday Urta baasiinka ayna u badan tahay in ay ku geeriyoodeen qiiqa Doonta kadib 13 saacadood oo ay badda ku safrayeen.

Sidoo kale MSF ayaa sheegtay in dhimashada 10 qof laga baaqsan karay, hayeeshee aysan dhicin dadaal badan oo lagu badbaadin lahaa, waxayna isweeydiiyeen in weli iyada oo lagu jiro sanadka 2021 ay badda dad ku dhimanayaan.

“Dhimashadani waxay calaamad cad u tahay guul-darrida siyaasadaha socdaalka ee dawladaha Yurub iyo ka-shaqayntooda aan la aqbali karin ee ilaalada xeebaha Liibiya si ay u fududeeyaan dib-u-celinta ayuu yiri” Maareeyaha hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta MSF” Juan Matías Gil.

Badbaadinta ay sameysay hay’adda samafalka ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa ah tii saddexaad ee wax ka yar 24 saac gudahood, iyadoo guud ahaan dadkii la socday markabka Geo Barents ay gaarayeen 186 qof, oo kan ugu yar uu jiray 10 bilood.


Tobanaan kun oo qof ayaa sanad kasta isku daya inay urub galaan, iyaga oo sii maraya bartamaha Badda  Mediterranean-ka, kuwaas oo ka ambabaxa dalalka Libya iyo Tunusia, iyagaooo intooda badan u safra Talyaaniga, waxaana sanadkaan kaliya ku dhintay Badda Mediterranean-ka 1,236 qof










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment