Militariga Suudaan oo dib u soo celinaya Ra'isul Wasaarihii xilka laga tuuray

Bulsha:- Sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Fadlallah Burma Nasir oo ah Madaxa Xisbiga Ummadda ee dalka Suudaan, millateriga Suudaan ay qorsheynaya inay dib u soo celiyaan Ra'isul Wasaaraha xilka laga tuuray ee Abdalla Hamdok, kaddib heshiis laga gaaray xaaladda dalkaas.

Hamdok ayaa xabsi guri la galiyay markii militarigu ay la wareegeen talada 25-kii Octobar, taasi oo meesha ka saartay isbedelkii dhanka dimoqraadiyadda ee lagu heshiiyey, kadib ridistii xukunkii dheeraa ee Cumar al-Bashiir ee sanadkii 2019-kii.

Nasir ayaa sheegay in Hamdok uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax-bannaan, isla markaanaa uu heshiiska ay gaareen Militariga iyo xisbiyada siyaasadda uu dhigayo in dhammaan maxaabiista siyaasadeed lagu sii dayn doonaa.

Dibad-baxyo rabshado wata ayaa Sudan ka dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaas oo lagu dalbanayay in xukunka dib loogu soo celiyo xukuumadda rayidka ah ee uu hoggaaminayay Ra'isul Wasaare Hamdok.

Ciidmada Amniga ayaaa lagu eedeeyay toddobaadkii hore inay dileen ilaa 15 qof oo dibad-baxayaal ahaa, hase yeshee hoggaamiyaha Militariga General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa dafiray inay dileen dad shacab ah.

Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo xal looga looga gaarayo xiissadda Sudan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment