Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab

Bulsha:- Casiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku dhintay qaraxii ka dhacay Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in qaraxaasi lala beegsaday dad aan waxba galabsan oo masaakiin ah, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonan baaritaanada.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto weerarada ururka Al-Shabaab.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed


Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment