Kamala Harris oo noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee hesha awoodda madaxtinimada Mareykanka

Bulsha:- Madaxweynaha Marekanka ,  Joe Biden ayaa xilka ku wareejiyay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris,mudada kooban ee uu ku jiro suuxinta , sababo la xiriira baaritaan caafimaad oo u marayo, Aqalka Cad ayaa sheegay. Biden, oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa Marekanka , ayaa Sabtidii 79 jirsaday.

Harris waa haweenaydii u horreysay ee ku-sime Madaxweyne noqota.

Xoghayaha warfaafinta,Jen Psaki ayaa warbixin ay siisay warfidiyeenada Aqalka Cad ku sheegtay in nidaamkan oo kale la sameeyay sannadihii 2002 iyo 2007, markaasoo madaxweynihii xilligaasi George W.Bush uu maray isla hannaanka  caafimaad.

Madaxwaynihii hore ee Donald Trump oo 75 jir ah ayaa la sheegay in uu diiday in suuxinta lagu sameeyo, sababtuna waxa ay tahay in aanu doonayn in uu xilka ku wareejiyo madaxweyne ku xigeenka wakhtigaas Mike Pence, sida lagu sheegay buug uu qoray xoghayntiisii ​​saddexaad ee saxaafada,Stephanie Grisham.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment