Ilhaan Cumar inay qeyb ka tahay wax ay ugu yeertay “Kooxda Jihaadka.”

Bulsha:-  Caro xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii gabar ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ay Ilhaan Cumar oo sidoo kale xubin ka ah Congress-ka ku sheegtay inay qeyb ka tahay wax ay ugu yeertay “Kooxda Jihaadka.”

Lauren Boebert ayaa hadalkan sheegtay intii ay socotay dood ku saabsan haddii Paul Goasr oo isna xubin ka ah Congress-ka laga qaadayo tallaabo canaan ah kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya Alexandria Ocasio-Cortez oo iyana ka tirsan Congress-ka la dilayo.

Lauren ayaa tiri “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.” 

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda kahor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Lauren Boebert ayaa sidoo kale Eric Swalwell oo isna ah dimoqraadi ka tirsan Congress-ka ku eedeysay inuu la seexday cadowga ayada oo ula jeeda xiriir jaceyl oo la sheegay inuu la lahaa gabar Shiinees ah oo mar dambe la ogaaday inay tahay basaas.

Hadalka Lauren Boebert ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn xooggan ayada oo dhowr siyaasi ay ugu yeereen “cunsuriyeyn iyo naceyb.”

Ilhaan Cumar ayaa uga jawaabtay hadallada Lauren ayada oo tiri “waxaan ku faraxsanahay in la igu soo koriyey si bani’aadaminimo ah oo aan noqon qof caqliga ka maran oo si ceebeysan ugu saxarooda una wasaqeeya Aqalka Wakiilada.” 

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 


Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment