Guddiga doorashooyinka oo mamnuucay arrin fadeexad ka dhalisay doorashadii hore

Bulsha:- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in murashaxiinta xildhibaan ay wejiyada qarsadaan, ayaga oo xiranaya indho-shareer ama Facemask, sida horey u dhacday.

Doorashadii labadii kursi ee ugu horreeyey ee xildhibaanada gobollada waqooyi ayaa waxaa dhacday in murashaxiin malxiis ah, oo tartanka aanu dhab ka aheyn balse u camirayey kuwa kursiga loo rabay, ay wejiyadooda qariyaan, taasi oo ceeb iyo fadeexad abuurtay.

Waxaa si gaar ah loo xusuustaa in gabar la sheegay inay la tartantay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay wejiga qarsaatay, taasi oo illaa iyo hadda aysan jirin cid garaneysa qofka ay tahay.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka.

Guddiga go’aan kama soo saarin ergada codeyneysa ee iyagana wejiyada qarsada, taasi oo sidoo kale aad ugu badneyd doorashadii reer waqooyiga.

Xubnaha ergada ayaa la sheegay inay cabsi ka qabaan in haddii la aqoonsado ay dhibaato kala kulmi karaan marka ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland oo ay kasoo jeedaan.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo guddiga doorashooyinka heer federaal ee FIET uu shaaciyey in maanta ay Muqdisho ka dhici doonto doorashada qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka guddiga Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen doorashada lix ka mid ah kuraasta Somaliland, taas oo Talaadada maanta ka dhici doonta teendhada Afisyooni.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment