Daawo:- Ciidamada Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Rag dilal geestay oo baxsad ku jiray

Bulsha:-  Ciidamada amaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeesan oo la sheegay in dilal ka geestay degaan lagu magacaabo Dhagtuur oo kuyaala koofurta Gobolka Mudug.

Ragan dilalka geestay ayaa ka baxsaday deegaanka ay dilalka ka fuliyeen, waxaana ciidamada maamulka Galmudug ku jireen howlgal socday mudo 8-maalin ah ay ku baadi goobayeen ragan dilalka deegaanka ka geestay.

Ciidamada Galmudug ayaa sidoo kale howlgalkooda kusoo qabtay qaar kamid ah waalidiinta dhalay raga dilalka geestay kuwaa oo iyana la sheegay in deegaanka ka baxsadeen markii dilalka dhaceen.

Dadka loo soo qabtay dilalkii ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug ayaa loo soo qaaday xabsiga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in ragaasi maxkamad la horgeeyo laguna rido xukun.


Deegaano kuyaala Galmudug ayaa waxaa ka dhacay dilalka salka ku haya aanooyin qabiil, dilalkan ayaana mararka qaar abuura dagaalo dhiig badan ku daato oo dhax mara beelo walaalo ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment