Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey qaraxii Banaadir

Bulsha:- Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii 11-ka bishan ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan ayaa wareysi laga qaaday kahor inta uusan is-qarxin magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Xasan Iimaan oo loo yaqaan (Xaliye) ama (Caasim). Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Reer Shabeelle, gaar ahaan Reer Ciise.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ku dhashay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose sanadkii 1989-kii, wuxuuna tilmaamay inuu waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay isla magaaladaas.

Cabdullaahi ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-ka, wuxuuna kamid ahaa ciidamadii ka howlgeli jiray gobolka Banaadir kahor inta uusan ku biiran qeybta is-qarxinta, sida lagu sheegay wareysiga.

Al-Shabaab oo horey u sheegtay inay qaraxaas la beegsatay saraakiil Mareykan ah, balse aan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, ayaa war xalay kasoo baxay ku sheegatay inay qaraxa ku dishay ugu yaraan 12 askari oo isugu jira caddaan iyo madow.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saraakiisha “ay dileen ay u shaqeynayeen shirkad lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano PA&E, taasi oo arrimaha difaaca iyo militariga ka caawisa,” ciidamada Mareykanka, kuwa Amisom iyo kuwa dowladda federaalka.

Al-Shabaab ayaa laba ka mid ah dhalashada askarta ku sheegtay Mareykanka iyo Ugandan, hase yeeshee ma aysan shaacin dhalashada 10-ka kale, ee ay dhimashadooda sheegatay.

Qaraxaas ayaa xogta ay warbaahinta heshay waxay sheegeysaa inay ku dhinteen saddex qof oo shacab ah, tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.


Waxaa sidoo kale ku gubtay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidanka Amisom, hase yeeshee si rasmi ah looma oga khsaaraha gaaray, maadaama Amisom aysan shaacin khasaarahooda inta badan










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment