Ahlu Sunna oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii General LABA AFLE

Bulsha:-  Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo wareysi siiyey BBC ayaa ka hadlay eedeyntii uu General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) u jeediyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii soo socday.

Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa marka hore beeniyey in Ahlu Sunna Waljamaaca ay diiday wada-hadalladii socday, wuxuuna tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin in miiska lagu dhammeeyo tabashada ay qabaan iyo xiisadda haatan ka taagan maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Laba Afle uu ugu goodiyey Ahlu Sunna in la leeynaayo ama ay isaga tagaan degaanka Bohol, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Galmudug aysan diyaar u aheyn in laga wada-hadlo tabashada jira, si xal loogu helo, wuxuuna intaasi ku daray in haatan Ahlu Sunna ay 15 KM u jirto caasimada Dhuusamareeb ee mamaulkaasi

”General Laba Afle wuxuu ahaa nin aysan jirin cid soo dirsatay oo Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa horay u cadDeeyay, madaxda Galmudugna wada-hadal ma rabaan, anagana inaan nabad rabno waxaa cadeyn kuu ah Ahlus Sunna oo 15km u jirta caasimadda inay ka warsugayaan Culimadii iyo Ganacsatadii dhex dhexaadinta waday,” ayuu yiri

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadalka kasoo yeeray General Laba Afle oo ka mid ah saraakiisha Xoogga dalka inuu uga sii darayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Galmudug, loona baahan yahay in aan looga sii dirin, si uusan u daadan dhiig dambe.


Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) oo shir jaraa’id qabtay uu shaaca ka qaaday inuu gacanta ka taagay wada-hadalladii uu waday, isaga oo ku eedeeyey Ahlu Sunna inay diiday waa wanatii socotay










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment