Somalia: Rooble oo ku biiray kulamada Villa Somalia iyo is-faham la gaaray

Bulsha:- Waxaa goordhoweyd ku biiray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wada-hadalada Villa Somalia uga socday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Wasiirka amniga iyo agaasimihii KMG ah ee NISA.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulamada oo uu dhex-dhexaadiye ka yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubin kale ayaa waxaa is-faham horudhac ah looga gaaray waxyaabihii la isku hayey.

Waxay arrinta ugu weyn iskugu soo biyo shubatay xaalka NISA, oo aheyd meeshii ay ka bilaabatay xiisadda u dhaxeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in wada-hadallada intooda badan diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa dooda ka dhalatay magacaabista wasiirka cusub ee amniga xukuumada federalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale sareysa suurta-galnimada illaa caawa lagu soo afjaro is-maandhaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay labada Nin, sida ay sheegayaan ilo xogagaal ah oo ku dhaw-dhaw kulankaas.



Waa markii ugu horreysay oo si foolka fool ah ay isku hor fariistaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo xubnaha magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna khilaafkooda saameyn ku yeeshay geedi socodka doorashada.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment