Jabhadda TPLF oo lagu eedeeyey iney burburisay Masjid boqolaal sano dhisnaa (Sawirro)

Bulsha:- Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray ee (TPLF) ayaa lagu eedeeyay inay burburiyeen masjid taariikhi ah oo ku yaalla waqooyi-galbeed gobolka Amxaarada, iyo dilka arday wax ka dhiganaysay madaraso lagu barto diinta Islaamka oo halkaas ku taalla.

Warbaahinta FANA ayaa shaacisay in Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada uu shaaciyey  TPLF ay urburiyeen Masjid taariikhi ah oo ku yaal magaalada Zarema, ee waqooyiga Gondar, iyagoo la dhacay madaafiic culus.

Xoghayaha guud ee Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada, Xaaji Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in weerrarka uu qeexayo sida ururkaasi uu u sii wado falalka ka dhanka ah diinta ee qaybta ka ah sida ay doonayaan inay dalka ku burburiyaan.






Waxay sheegeen in masjidkaasi uu boqolaal sano ku yaallay halkaasi, isagoo intaas ku daray in hogaamiyahaasi uu sheegay in fallaagadu ay madarasooyin ku laysay arday badan, caddeyna u hayaan dhowr masjid iyo goobo diimeed uu sheegay inay TPLF burburisay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment