Dagaalka Guriceel:- Culimada Ahlu-Sunna ee Muqdisho oo waji cusub u yeelay xiisadda Galmudug

Bulsha:-  Culima’udiinka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo maalmihii u dambeeyay uu kulan uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga deyrinayaan xiisadda ka taagan Galmudug.

Daahir Axmed Salaad oo kamid ah culimada Ahlu-Sunna ayaa warbaahinta u aqriyay war-saxaafadeedkaas, wuxuuna sheegay in maamulka Qoor Qoor uu dhagaha ka fureystay baaqyada nabadeed.

Waxay ku macneeyen xiisada Guriceel iyo dagaalka ka dhanka ah hogaanka Ahlu-Sunna in uu yahay mid caqiido, oo lagu baabi’inayo dalka, sida ay ku sheegen Culima’udiinka qoraalkooda.

“Marka ay arkeen in ciidamadii furimaha cadowga ku horjoogay loo daabulayo si loogu dagaalamo Culima’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, markay arkeen fatwooyinka is-daba jooga ah ee lagu baneysanayo dhiiga Culima’udiinka Ahlu-Sunna, waxay isla qaateen in uu yahay mid ku saleysan caqiido” ayaa lagu yiri qoraalka.

“In aan dalka la gelin dagaal caqiido, kaasi oo haddii uu billowdo aan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono, dibna loo soo celiyo ciidamada la dul geeyay magaalada Guriceel. In la ogolaado wada-hadal shuruud la’aan ah, dhamaan waxa la isku khilaafsan yahay lagu dhameeyo miiska dushiisa.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo caburinta lagu hayo dadaalada nabadeed, islamarkaana xabsiga laga sii daayo dhamaan odayaasha ku baaqay nabada, kuwaasi oo ku xiran saldhigga booliska magaalada Dhuusomareeb.

“In dadka barakacay la siiyo kalsooni ay guryahooda ugu soo laabtaan, loona fidiyo gar-gaar bini’aadantinimo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saareen Culimadda Ahlu-Sunna ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntiina waxa war-saxaafadeedka ayaa waxa lagu sheegay in Culimu’diinka Ahlu-Sunna ee Muqdisho ay iska dhex doorteen guddi ka shaqeeya nabadeynta Galmudug, ayaga oo ugu baaqay dhinacyada isku haya maamulkaas ay si buuxda ula shaqeeyan guddigaas ayna qaatan nabadda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa saacado un kadib markii ciidamada ammaanka Galmudug ay magaalada Dhuusomareeb ku xireen qaar ka mid ah odayaal shir ku yeeshay magaalada, sida ay ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.


Odayaasha la xiray oo gaarayay illaa 9 ayaa shirkooda uga hadlay xiisadda ka dhex-oogan maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu-Sunna, ayaga oo soo jeediyey in wada-hadal lagu dhameeyo, oo aan dagaal loo adeegsan.

Odayaasha ayaa la geeyey saldhigga booliska magaalada Dhuusomareeb, waxaana sababta odayaasha loo xiray lagu sheegay inay tahay soo jeedintooda ku saabsan wada-hadallo lala galo, taasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kasoo horjeedo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment