Afar Maalin Oo Dagaal Ah Kadib Ahlu-Sunna Oo Isaga Baxday Guriceel

Bulsha:-  Waxaa saaka daggan xaalada magaalada Guriceel oo afarti cisho ee lasoo dhaafay dagaalk qaraar uu ku dhex marayay ciidamada dowladda iyo ururka la magac baxay Ahlu-sunna.

Dagaalka oo ay ku dhinteen boqolaal askar ah oo labada dhinac iyo tiro labaatameeyo ka badan oo ah saraakiil ka kala tirsan DF iyo ururka Ahlu-sunna.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa saaka isaga baxay kadib wadahadal saacado qaatay oo xalay ka dhacay magaalada guriceel.

Wadahaladaka ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Senator Cabdi qaybdiid iyo Xaashi Carabey oo ka mid ah ganacsatada galmudug.

Ciidamada ahlu-sunna ayaa sidoo kale isaga tagay laba gaari oo dagaal bil ka hor iyaga iyo ciidamada dowladda ku dhex maray deegaanka Bohol ay ku qabsadeen taas oo qeyb ka aheyd wadahadalka magaalada lagaga saarayay ururka.

Dhexdhexaadinta ururka iyo dowladda ayaa intii ay socotay lagu heshiiyay in guddi loo saaro dhamaan tabashooyinka ay qabaan ururka Ahlu-sunna si xal aan aheyn dagaal looga gaaro khilaafka jira.

Inkabadan 120 Askari oo ka tirsan ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka oo iskaashanaya iyo ururka Ahlu-sunna ayaa dagaalka ku dhintay, halka tiro intaas ka badan uu dhaawaca ka soo gaaray dagaalka.

Sida ay QM sheegtay afarti maalin uu dagaalka socday ayaa waxaa ku barakacay in kabadan 20-kun oo qoys oo u dhiganta 100 kun oo qof.

Waxaa hadda caadi ku soo noqday xaaladda magaalada iyadoo dhamaan gacan ku heynta magaalada ay la wareegeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa galmudug.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment