Ninkii Tuugga Ee Imaamka Ahaa Oo Lagu Xukumay 10-sano Oo Xabsi Ciidan Ah

Bulsha:- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi ah ku ridday laba nin oo loo heystay in ay dhac ka geysanayeen magaalada Muqdisho.

Raggan oo ay dacwadoodu soo socotay mudda dheer ayaa dhawaan maxkamadda u fadhiisatay dhageysiga gal-dacwadeedka labada eedeysane.

Cabdifitaax Cali Cumar iyo Cali Xasan oo labaduba ay dhibanayaal u ahaayeen dad shacab ayaa maxkamadda ku kala xukuntay xabsiyo ciidan,

Eedeysanaha koowaad Cabdifitaax Cali Cumar oo maxkamadda ka hor qirtay in inkabadan 30 haween ah uu dhac ugu geystay magaalada Muqdisho ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan.

Halka Cali Xasan oo isagu loo heystay in uu Cabdifitaax Cali Cumar u iibin jiray moobilada iyo agabyada kale ee uu dadka shacabka ah ka soo dhaco lagu xukumay 2 sano oo xabsi ciidan ah.

Guddoomiyaha maxakamdda ciidamada qalabka sidda gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedeysane.


Maxkamadda ayaana sheegtay in eedeysanayaasha ay u furantahay 30 maalmood oo ay racfaan ku soo dalban karaan.

Sikastaba eedeysanayaashan ayaa ka mid ah inkabadan 20 edeysane oo ay ciidamada Ammaanka gacanta ku soo dhigeen xilli ay dhac u geysanayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Caasimadda ee Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment