Labo Qof oo xalay lagu gowracay Magaalada Marka

Bulsha:- Wararka laga helayo deegaan hoostaga degmada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu gowracay laba ruux oo waday gaari raashin u siday Magalada Marka.

Labada Ruux ayaa waxa ay wadeen laba Gaari oo lagu jiidayay Dibi,kuwaas oo raashin u siday Magalada Marka, hayeeshee markii ay marayeen deegaanka Buulo Dhurrow oo u dhexeeya Degmada Janaale iyo Deegaanka Buufoow ay Kooxo hubeysan gacanta ku dhigeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay labada qof qabsadeen, kadibna ay gowraceen.

Al-Shabaab ayaa horay u mamnuucay in Gudaha Magalada marka aysan geli karin Gawaari raashin wada,waxaana arrintaan loo aaneynayaa inay ka dambeysay amarkii ay horay u soo saareen,waxaana Magalada Marka gacanta ku haya Ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degmada Marka oo aan la xiriirnay ayaanan ka jawabin taleefoonadeena si aan wax uga weeydiino dilka labada Ruux loogu geystay deegaan hoostaga Magalada Marka ee Xarun Goboleedka Shabeellaha Hoose.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment