Daawo:- Kulan Dhuusamareeb uga socdo Wasiirka Arrimaha Gudaha & Madaxda Galmudug

Bulsha:- Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxa ay gaareen magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlada goboleedka Galmudug.

Soo dhaweyn kadib wafdiga & Madaxda Galmudug ayaa waxaa haatan uu kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada dhuusamareeb, waxaana goobjoog ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka oo ah mid hordhac ah ayaa waxaa ay kaga hadlayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Galmudug, isla markaana loo xalin lahaa tabashada ay qabaan Reer Galmudug.
Wadahadalada  ayaa intooda badan waxaa diirada lagu saarayaa in heshiis rasmi ah laga gaaro waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ay isku khilaafsanaayeen Dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment