BF. Shaqaddii Golaha Shacabka oo hakad ku jirta

Bulsha:-  Shaqadii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hakad ku jirta ka dib markii uu Khilaaf soo gala dhex galay Xildhibaanada qaarkood iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka oo ku aadan kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Kulamo kala duwan ayaa wali ka socdo Xarunta Golaha Shacabka ,kuwaasoo u dhaxeeya Xildhibaanada qaar iyo waliba Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku aadan soo Afjaridda Khilaafka inta uusan xoogeysan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa horyaalla dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ku aadan in uu jabiyay Sharciga Golaha Shacabka.

Kulamadii Golaha Shacabka  ayaa istaagtay sababo la xariira Khilaafka ka dhex ka taagan gudoonka Golaha Shacabka.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal oo dalka si deg deg ah ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana xildhibaanada labadda dhinac u kala jabay ay u muuqdeen kuwo mida Midka kale uu ka dhaadhicinaayo Mowqifkiisa ku aadan kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment