Sarkaal la dhashay Kaba kudukade oo loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Kaaraan

Bulsha:- Saldhiga Degmada Kaaraan, ayaa waxaa loo magacaabay Taliye cusub, kadib markii xilkii si rasmi ah looga qaaday Taliyihii hore ee Saldhiga Degmada Kaaraan Canjeex.

Canjeex ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana maalmahan dambe taagnaa muran ka dhashay xil ka qaadista canjeex lagu sameeyay oo soo jiitamaayay.

Ugu dambeyn waxaa Saldhiga Kaaraan loo magacaabay Cabdi Sheekh Ciise Axmed Gacal oo ku magaca dheer Cabdi Kumi, wuxuuna la dhashay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Sarkaalkaan oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya ayaa noqonaya Taliyaha cusub ee Degmada Kaaraan, inkastoo Kaaraan ay adag tahay sida uu ula qabsado.

Degmada Kaaraan ayaa waxaa ku badan ciidamo Militari ah oo hab beeleed u abaabulan iyo ciidan aanan ka tirsaneyn dowladda oo hub isaga dhex sita Degmadaasi.

Taliyihii Saldhiga Degmada Kaaraan ee xil ka qaadista hore lagu sameeyay, balse diiday Canjex wuxuu ku sugan yahay deegaanka Gubadleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment