Blogger Widgets

Maamulka Somaliland oo si aan la fileyn uga hadashay cunaqabateynta hubka Somalia ee la kordhiyay

Bulsha:-  Maamulka Somaliland ayaa si cajiib ah kaga hadlay cunaqabateynta hubka ee muddada sanadka ah lagu kordhiyay dowladda Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin cunaqabateynta hubka ee mudada sanadka ah loo kordhiyay, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxay qoraalka ku taageereen warbixintii laga gudbiyay dowladda Soomaliya, waxaana ay sheegeen in Soomaaliya awood iyo xirfad aysan laheyn inay xakameyso hubka gacanta u gala.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in hubka loo gacan geliyo dowladda Soomaaliya uu qatar weyn ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay.

Somaliland ayaa walaac ka muujisay dowladaha hubka Siiya dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay qatar tahay in kooxaha argagixisada ay gacanta ku dhigaan, taasina halis kale ay ka imaan karto.

Ugu dambeyn waxay sheegeen in cunaqabateynta hubka uu u wanaagsan yahay amaanka gobolka loona baahan yahay in lasii kordhiyo ilaa dowlad awood badan ay ka imaaneyso.
Waxay IGAD iyo caalamka ka dalbadeen inay ka shaqeeyaan dib usoo celinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo ay sheegeen in amaanka gobolka wax weyn uu ka tari doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment