Koonfur Galbeed: Mukhtaar Roobow Iyo Taliyihii NISA Oo Noqday Murashaxiinta Rasmiga Ah

Bulsha:-  Guddiga doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed  ayaa maanta shahaadada diiwaan-gelinta siiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, isagoo noqday musharaxii u horeeyay ee la siiyo shahaadada musharaxnimo.

Guddiga doorashada ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hada yahay Musharax rasmi ah.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale u fasaxay Mukhtaar Roobow inuu u tartami karo doorashada Madaxweynaha, maadaama uu yahay muwaadin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanay jirin dambi loo heysto oo ay Maxkamad xukuntay.

Dhinaca kale, Waxaa isna warqadaha aqoonsiga murashaxnimo laga qabtay taliyihii NISA  Mudane  Xuseen Cusmaan Xuseen .
Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa October 13, 2018, iska casilay xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) ,isagoona warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment