Blogger Widgets

Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo goor dhow iscasilay

Bulsha:- Guddoomniyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow iscasilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo.

Carfo Ibraahim Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu  sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ay ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkan oo ah mid lama filaan ah ayaa soo baxay xilli la hadal hayo in Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee K/Galbeed Shariif Xasan uu damacsan yahay inuu ka haro tartanka doorashada.

Siyaasiyiin reer Baydhabo ah ayaa sheegaya in guddoomiyaha iscasilay uu xiriir dhow la leeyahay Shariif Xasan, talaabadana ay tahay mid lagu carqalaadeynayo doorashada oo la filayo iney 17ka bishan ka dhacdo Baydhabo.

Talaabadan ayaa ku soo aaday xili maanta qaar ka mid ah Musharaxiinta doorashada Koonfur galbeed ay si rasmi ah isku diiwaan geliyeen, lana siiyey shahaadada musharaxnimada.

La soco wixii soo kordha










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment