DEGDEG: Shirka Amniga Ee Gollaha Iskaashiga Oo Ka Furmay Kismaayo

Bulsha:-  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa daqiiqado ka hor magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka iskaashiga amniga ee dowlad goboleedyada.

Shirkani waxaa ka wada qeyb galaya wasiirrada amniga iyo taliyeyaasha nabad sugidda ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ku mideysan magaca Gollaha Iskaashiga.

Madaxweyne Axmed ayaa ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay sidii ay dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Alshabaab iyo nabadgalyada.

Sida dad lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Goobjoog News shirka ayaa socon doona laba cisho, iskaaahi amni oo dhexmara ayayna ka arrinsanayaan iyadoo ugu dambeeyntii warmurtiyadeed laga soo saari doono.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment