Madax goboleedyada oo WAR cusub ka soo saaray wada-hadalka ayaga iyo DF

Bulsha:-  Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada(GIDG) oo maanta ka soo jawaabay dalabkii aqalka sare ee ahaa inay soo magacaabaan wasiirro arrimaha khilaafka jira kala hadlo dowladda federaalka aha ayaa sheegay inay ka mahadcelinayaan sida golaha uga go’antahay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Golaga iskaashiga waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo doorka dhexdhexaadimeed ee aqalka sare iyo inay sidoo kale tahay waddo lagu gaari karo xal u helidda khilaafka jira.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada(GIDG) oo xusuusiyey aqalka sare ogaalkooda ku saabsan war-murtiyeedka ay GIDG ku qeexayaan xudunka ismariwaaga iyo xog uruurintii ay sameeyeen ayaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah u soo-jeediyey in uu wada hadal la galo dowladda federaalka ah kadibna wixii go’aan ah oo xal u noqon kara khilaafka uu soo jeediyo, taas oo sida ay sheegeen Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay dhinacooda aqbali-doonaan.
Halkan ka akhriso, qoraalka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo dhameystiran











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment