Daawo:- Khasaarihii Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Bulsha:-  Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootey Afar Kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga aargada degmada Dayniile ee Muqdisho.

Gaari nooca NOHA loo yaqaano oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lala eegtay Kolnyo ay la socdeen ciidamo Talyaani ah oo halkaasi marayey.

C/qaadir C/laahi oo ka mid ah darawallada gaadiidka gurmadka ee Amin Ambulance ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dadka dhaawaca soo gaaray uu ku jiro canug yar iyo sidoo kale haweeney.
Waxaa jira burbur soo gaaray guryo ay deganaayeen dad shacab ah oo halkaasi ka dhowaa iyo sidoo kale xarumo ganacsi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment