Blogger Widgets

Qalbi Dhagax Oo Gaaray Boosaaso, Shakina Geliyey Imaanshihiisa Muqdisho

Bulsha:- /kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa maanta waxaa lagu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qalbi Dhagax oo ka mid ah jabhadda ONLF ayaa ka yimid magaalada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa, waxaana safarkiisan ku wehlinaya xubno kale oo jabhaddaasi ka tirsan.

Waxaa lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu kala hadli doono arrimo dhowr ah.

Qalbi Dhagax ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa wuxuu ka hadlay in safaradda uu ku marayo gobollada dalka ku tagi doono Muqdisho, wuxuuna sheegay in hadda aanay taasi qorshaha ugu jirin.
Waxa uu tilmaamay inuu tagi doono magaalooyin ka mid a Puntland iyo Galmudug.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment