Daawo Video:- Farmaajo oo markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyey heshiiska dowladiisu la gashay Itoobiya

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhexmaray isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo dhowaan booqasho ku yimid Somalia.

Farmaajo oo wareysi dheer siinayey telefishinka qaranka ee ku hadla codka dowlada ayaa ugu horeyn sheegay inay Ra’isul wasaaraha Itoobiya ay ka wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal isla markaasna ay u yeelan lahaayeen iskaashi iyo wada shaqeyn.

”Aasaaska wada hadalka laba dowladood wuxuu ka bilawday sidii mid kasta uu u ilaalin lahaa madax banaanida midka kale, mana jirto dowlad diyaar u ah inay dalkeeda ka tanaasusho” ayuu yiri Madaxweynaha

Farmaajo ayaa tilmaamay inay Soomaaliya ka gudubtay inay dowladaha kale kala hadasho amni iyo ciidan isla markaasna uu dalka hadda marayo in laga wada hadlo Iskaashi iyo isku socodka dhaqaalaha taasoo uu sheegay iney tahay guul horumar leh.

”Dowladaha shisheeye markii hore waxay naga aaminsanayeen inaan gaarin heer nagala hadlo dhaqaale iyo horumar balse nasiib wanaag hadda dalku wuxuu marayaa meel aad u wanaagsan oo ay tahay in dadka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo kheyraadka dalka ka buuxo oo leh nooc kasta” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sheegay inay isaga iyo Ra’isulwsaaraha Itoobiya is fahmeen, heshiiska is afgradka ahna uu yahay mid bilow ah ayna arrintaasna ay kala mid yihiin dowladaha Jabuuti, Suudaan Kenya iyo kuwa kale oo tartan ugu jira sidii looga faa’ideysan lahaa Itoobiya oo aan bad laheyn sida uu Madaxweyne hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inaysan jirin heshiis hadda la saxiixay, balse ay jirto fikrado la isku afgartay oo loo saari doono guddi soo baaraan dega markii ay howsha soo dhamaatana la hor keeno doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inaysan jirin Dekad la bixiyey, Dakadahana ay leedahay Soomaaliya balse maalgashi lagu sameynayo, Wuxuu tilmaamay inuu jeclaan lahaa xataa in Dekadaha la maalgashanayo ay ka bataan afar  maadaama uu sheegay inuu dalka leeyahay Xeeb aad u dheer oo uu Alle na siiyey.

Farmaajo ayaa sheegay in doodaha heshiiskan laga keenay iyo shakiga dadka lagu abuuray ay ka dambeeyaan Siyaasiyiin daneystayaal ah oo uu sheegay inaysan rabin horumarka dalka iyo inay Soomaaliya ka dhaqaaqdo meesha ay hadda joogto, loomase hakan doono ayuu yiri.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment