Bulsha:- Gudoomiyaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saakay is casilay,waxaana is casilaada kadib baaqday kulan la filayay in Xildhibaanada ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ugana doodaan Mooshinka.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaana si weyn usoo dhaweeyay Go’aanka uu qaatay Jawaari uu isku casilay, waxa ayna shacabku sheegeen inay Muujinayso Bisaylka Siyaasadeed ee dalka gaadhay.
“Dalkani marnaba dib uma laaban doono, Wuxuu u socon doonaa Horay, XIldhibaanadii Fikerka ku kala baydhay waa inay Midoobaan oo doortaan Gudoomiye wanaagsan.”
Isbadal weyn ayaana maanta laga dareemayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinkii xidhnaa oo la furay, waxaana inta badan goobaha ay dadku isugu tagaan lagu hadal hayaa is casilaada Gudoomiyihii Baarlamaanka Jawaari.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment