Nin Burcad ah oo ku baxsaday Diyaarad ay la socotay R/Wasaaraha dalkiisa (Sawirro)

Bulsha:- Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa nin burcad ah oo kasoo baxsaday xabsi uu ku xirnaa kadibna diyaarad uu dalkiisa kaga baxsanayay kula safray haweeneyda Ra’isul Wasaaraha  ka ah dalka Iceland.

Sindri Thor Stefansson ayaa kasoo baxsaday xabsigii uu ku xirnaa, waxaana ninkan si lama filaan ah ugu safray diyaarad kusii jeeday dalka Sweden ay la socdeen wafdi ay hogaamineysay Ra’isul Wasaaraha Iceland Katrin Jakobsdottir.

Ninkan burcada ah ayaa ku eedeesnaa in uu xaday 600 oo kumbutuutar oo ah kuwa laga dhaliyo lacagta internetka ee loo yaqaan Bitcoin, waxaana Kumbuteradan qiimahooda lagu sheegay  illaa $2 milyan oo doolar.

Sida Warbaahinta Caalamka qorayaan ninkan ayaa ku safray tikid aan magaciisa aheyn, waxaana markii dambe ninkan markii uu dalka ka baxay lagu aqoonsaday kaamirooyinka garoonka uu ka duulay ku xirnaa.
Dowlada Iceland ayaa ka codsatay dalka Sweden in ay soo qabtaan ninkan burcada ah ee dalkooda soo galay, waxaana booliiska Sweden hada wadaan baadi goob ay ninkaasi ku raadinayaan. 











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment